Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Caqiidada

Caa'isha oo ahayd Muuminiinta Hooyadood-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey:

Available in 62 languages
«Caa'isha oo ahayd Muuminiinta Hooyadood-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey: Umu Salama waxay u sheegtay Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- Kaniisad ay ku aragtay dhulka Xabashida, taasoo la dhoho: Maariya, waxayna u sheegtay Nabiga sawiro ay ku soo aragtay, wuxuu yiri Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: " kuwaasi waa duul markuu ka dhinto Qof wanaagsani qabrigiisa ka dul dhista Masaajid. wayna ku sawiraan sawiradaas, kuwaasi waa kuwa ugu sharka badan Khalqiga Ilaahay»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Muuminiinta hooyadood ee umu Salama-Allaha ka raali ahaadee- waxay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u sheegtay inay ku aragtay dhulkii xabashida kaniisad-la dhoho : - Maariya-, oo ay ku jiraan sawiro iyo waxyaabo lagu qurxiyey! oo ay la yaabtay!. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey sababaha ay sawiradaa u samaysteen: Wuxuu yiri: kuwaa aad sheegaysid waxay ahaayeen, kuwo marka uu qof wanaagsani ka dhinto, qabrigiisa ka dul dhista masaajid ay ku tukadaan, sawiradaana way ku sawirayeen. Wuxuuna cadeeyey, Qofka waxaa sameeya inuu yahay kan ugu sharka badan khalqiga, waayo ficilkiisu wuxuu keenayaa, in Ilaahay loo shariig yeelo.

Source
Xadiis la isku waafaqay
Download image

Saved at original quality