Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Fiqiga iyo usuushiisa

Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

Available in 62 languages
«Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Waxaa la i faray inaan ka Sujuudo todoba Lafood: Wajiga, wuxuuna Gacantiisa ku ishaaray sankiisa, Gacmihiisa, labada law, faraha lugaha, oo aanaan aruurin celcelinna dharka iyo Timaha ".»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray markuu tukanaayo inuu ka Sujuudo todoba xubnood oo Jirka ka mida, waxayna yihiin: Tan 1aad: Wajiga: waana balaca Wajiga ee Sanka iyo Indhaha ka sareeya. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ishaaray Gacantiisa Sankiisa, isagoo cadaynaaya Wajiga iyo Sanku inay hal xubin oo todobada ka mida yihiin, wuxuuna xoojinayaa in Qofka Sujuudsani Sankiisa Dhulka taabsiiyo. Xubinka 2aad iyo 3aad: waa labada Gacmood. Xubinka 4aad iyo 5aad: waa labada Law. Xubinka 6aad iyo 7aad: waa Faraha labada Lugood. Rasuulku wuxuuna amray in aynaan xirin Timaheena, ama aanaan aruurin Dharkeena markaan Dhulka ku Sujuudayno anagoo ilaalinayna Dharka, balse aan sii dayno ilaa ay Dhulka ku dhacdo oo Xubnaha la Sujuudno.

Source
Xadiis la isku waafaqay
Download image

Saved at original quality