Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Caqiidada

Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:

Available in 59 languages
«Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "U deg-dega camalka saalixa ah inta aanay idinku imaan fitnooyinka la moodo qayb Habeen ah oo Mugdi ah, oo ninku Waabariisanaayo isagoo Muumin ah oo Galabaysanaayo isagoo Gaal ah ama uu Galabaysanaayo isagoo Muumin ah oo uu Waabariisanaayo isagoo Gaal ah, oo uu Diintiisa ku iibsanaayo xoogaa Aduunyo ah.»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku boorinayaa Qofka Muuminka ah inuu u deg-degooo uu badsado camalka saalixa ah, inta aan la waayin ama aan lagu mashquulin, fitnooyin iyo shubuhaat imaandoona oo u diidaya oo ka hor istaagaya camalka saalixa ah, fitnooyinkaasi waxay la mid yihiin qayb Habeen Mugdi ah, oo ay isku darsamayaan xaqa iyo baadilku, oo dadka ay ku adkaanayso inay kala saaraan, oo sida ay u daran tahay ay dadku isku dhex yaacayaan, ilaa Qofku uu Waabariisto isagoo Muumin ah, oo Galabaysto isagoo Gaal ah, oo uu galabaysto isagoo Muumina oo uu Waabariisto isagoo Gaala, oo Diintiisa uga tago xoolo Aduunyo oo dhamaanaya.

Source
Waxa wariyay Muslim
Download image

Saved at original quality