Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Fiqiga iyo usuushiisa

Macdaan Binu Abii Dalxa Alyacmari -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri:

Available in 59 languages
«Macdaan Binu Abii Dalxa Alyacmari -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Waxaan la kulmay Thowbaan oo ah mawlihii (adeegihii) Rasuulka (kii Nabigu xoreeyey), waxaan ku iri: ii sheeg camal aan falo oo Ilaahay janada igu geliyo? ama wuxuu yiri: waxaan ku iri: camalka Ilaahay ugu jecel yahay, wuu aamusay. hadana waan weydiiyey wuu aamusay. mar saddexaad baan weydiiyey wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan weydiiyey su'aashaa, wuxuuna yiri: "Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin" wuxuu yiri Macdaan: hadana waxaan la kulmay Abu dardaa waxaana weydiyey -su'aashaas- wuxuuna igu yiri: sidii Thowbaan ii sheegay oo kale.»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaa la weydiiyey camal sabab u noqonaya galitaanka janada, ama camalka Ilaahay ugu jecel yahay? Wuxuu ku yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ninkii su'aasha weydiiyey: joogtee inaad badsato sujuuda salaada dhexdeeda, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin, dambina wuu kaaga dhaafin.

Source
Waxa wariyay Muslim
Download image

Saved at original quality