Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Fadaa`isha iyo Aadaabta

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya:

Available in 61 languages
«Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: "Ummaddayda dhamanteed waa laga cafin dambiyada kuwa xumaanta muujista maahee, Qofku inuu danbi muujisto waxaa ka mida in ninku habeenkii danbi sameeyo oo waagu markuu u beryo isagoo Ilaahay asturay oranaaya waar hebelow shalay waxaan suubiyey caykaas iyo caankaas Xalayna wuxuu baryey isagoo Rabigi asturay, wuxuuna waabariistay isagoo asturkii Ilaahay iska faydeya.»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu cadeeyey Qofka Muslimka ah, ee dambaaba waxaa loo rajaynayaa cafinta Ilaahay iyo dambi dhaafkiisa, marka laga reebo midka cadaysta macsida oo ku faanaya si xishood la`aana, kaasi ma mudna in la cafiyo, isagoo habeenkii macsida suubiyey ayaa waagu u baryaa isagoo Ilaahay asturay, isagaase cid kale uga sheekeeya inuu macsi sameeyey shalay, Ilaahay ayaa habeenkii asturay, subuxiina isagaa iska qaaday asturkii Ilaahay!!

Source
Xadiis la isku waafaqay
Download image

Saved at original quality