Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Fiqiga iyo usuushiisa

Jundub Binu Cabdulaahi Alqusari Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

Available in 70 languages
«Jundub Binu Cabdulaahi Alqusari Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka tukada Salaada Subaxa Ilaahay magantiisuu ku jiraa, ee yaanu Ilaahay idinka dalbin shay ka mida magantiisa, waayo Qofkii Ilaahay magantiisa shay ka mida uu ka dalbo wuu qabanayaa, ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa Naarta Jahanama.»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka tukada Salaada Subxa inuu ku jiro Ilaahay xifdigiisa, ilaalintiisa, waardiyihiisa, difaacidiisa iyo u gargaaridiisa. Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in la jabiyo oo laga boxo balankaa, taasoo ah in Qofku ka tago Salaada Subaxa, ama Qof tukaday Salaadii Subax uu dhib u gaysto, Qofkii sidaa sameeya wuxuu buriyey balantii, wuxuuna mutaystay goodiga adag, iyado Ilaahay ku ciqaabidoono danbiga uu ku dhacay, Qofkii Ilaahay ka dalbo magantiisa wuu qabanayaa ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa Naarta.

Source
Waxa wariyay Muslim
Download image

Saved at original quality