Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Caqiidada

Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:

Available in 62 languages
«Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo la jooga ayuu fiiriyey dayaxa-habeen uu ahaa 14, wuxuuna yiri: " waxaad u arki doontaan Rabigiin sidaad dayaxan aad u arkaysaan, idinkoon isku ciriiryeyn aragtida Ilaahay, hadaad awoodaan inaad ilaalisaan Salaada inta Qoraxda aanay soo bixin iyo inta aanay dhicin sameeya" ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu akhriyey Aayadan Qur'aanka ah: {ku tasbiixso xamdiga Rabigaa intaan Qoraxdu soo bixin iyo inta aanay dhicin}.»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Saxaabadu habeen ayey la joogeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu eegay Dayaxa oo ahaa Habeenka 14aad- wuxuuna yiri: Muuminiintu Rabigood waxay ku arkidoonaan Indhahooda si dhab ah, isagoon cidna shabihin, dadkuna iskuma ciriiryayaan aragtidiisa, kuna dhicimaayo daal iyo mashaqo midna marka ay Ilaahay arkayaan. Ka dibna Rasuulku Ilaahay wuxuu yiri: Hadaad kartaan inaad iska joojisaan asbaabta idin dhaafinaysa Salaada fajarka iyo Salaada Casarka sameeya, oo la imaada labadaas Salaadood waqtigoda iyagoo kaamila oo jamaaco aad la tukateen, arintaasi waxay ka mid tahay asbaabta keenta in Ilaahay casa wajala wajigiisa la arko. Ka dib wuxuu akhriyey Suubanuhu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Aayadaan: {Ku tasbiixso Xamdiga Rabigaa Qooraxdu inta aanay soobixin iyo inta aanay dhicin}.

Source
Xadiis la isku waafaqay
Download image

Saved at original quality