Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Fadaa`isha iyo Aadaabta

Cabdullaahi Binu Camar Allah ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri:

Available in 66 languages
«Cabdullaahi Binu Camar Allah ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ma ahayn mid af xun oo ma xishoode ah, wuxuuna dhihi jiray: " waxaa idiinku ikhyaarsan kuwa idiinku akhlaaq fiican."»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Kama mid ahayn Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee akhlaaqdiisa hadalka xun iyo ficilka xuni, mana ahayn mid u qasda xumaanta ama ula kac u sameeya xumaan, Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid akhlaaq wayn leh. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jiray kan Ilaahay xagiisa idiinku fadliga badan waa kan idiinku akhlaaq wanaagsan, sida wanaag bixinta waji furnaanta, dhib la'aanta, u dul qaadashada dadka, iyo dad la dhaqanka wanaagsan.

Source
Xadiis la isku waafaqay
Download image

Saved at original quality