Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Fadaa`isha iyo Aadaabta

Abii Dar-daa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

Available in 60 languages
«Abii Dar-daa Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Ma iidiin sheegaa acmaashiina kuwa ugu fadliga badan, uguna daahirnimada badan xaga Allaha Boqorkiina ah, uguna sare qaadid badan darajooyinkiina oo idiinka khayr badan inaad dahab iyo lacag bixisaan, oo idiinka khayrka badan inaad la kulantaan Cadowgiina aadna Qoorta ka garaacdaan iyaguna ay Qoorta idinka garaacaan?", waxay dheheen: haa Rasuulkii Ilaahayow noo sheeg, wuxuu yiri: "waa dikriga Ilaahay ".»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu waydiiyey Asxaabtiisa: Ma doonaysaan inaan idiin sheego oo idin baro acmaashiina kuwa ugu khayrka badan, uguna sharfta badan, uguna barako badan, oo ugu daahirnimada badan, uguna nadiifsan xaga Allaha Maaliga ah ee Casa Wajale ah. DarajaadkiinaJanadana idiin kor yeelid badan. Ee idiinka khayr badan inaad Sadaqaysaan Dahabka iyo Fidada? Ee idiinka khayr badan inaad Gaalada Jihaad la gashaan oo aad Qoorta ka garaacdaan, iyaguna Qoorta idinka garaacaan? Waxay dheheen Asaxaabtu: haa, waan doonaynaa, Rasuulkii Ilaahayow. Rasuulku -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: waa dikriga Ilaahay, oo aad xustaan waqti kasta iyo qaab walba iyo xaalad kasta oo aad ku jirtaan.

Source
Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo Axmed
Download image

Saved at original quality