10 hadiths
Abii Hurayra Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Rabigi wuxuu ka wariyey, inuu yiri: " "Adoon baa dambaabay Dambi, wuxuu yiri: Allahayow ii Dambi dhaaf, Ilaahay sareeye wuxuu yiri : Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri : Rabiyow, ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: Adoonkaygaa dambaabay, wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi dambiga dhaafa, kuna ciqaaba dabmiga, hadana wuu ku noqdoo wuu dambaabay, wuxuuna yiri: Rabiyow ii dambi dhaaf, Ilaahay ayaa yiri: wuu dambaabay Adoonkaygu wuxuuna ogaaday inuu leeyahay Rabi Dambiga dhaafa, kuna ciqaaba Dambiga, fal waxaad doonto, waan kuu Dambi dhaafaye".Xadiis la isku waafaqay