Hadith for the World
Fadaa`isha

Fadliga Towxiidka

4 hadiths

4 hadiths

Abii Saciid Alkhudriyi iyo Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: " Wixii ku dhaca Muslimka ee ah Rafaad ,Daal, Hami, Murug, Uur ku taalo iyo Dhibaato, xataa Qodaxda mudaysa, Ilaahay danbigiisuu ugu dhaafaa".Xadiis la isku waafaqay
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis allaha siiyee Mucaad oo la fangashan ayuu ku yiri: "Mucaad Binu Jabalow" isna wuxuu ku yiri: waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaatee, wuxuu ku yiri: "Mucaadow", wuxuu yiri: waa ku ajiibay Rasuulkii Ilaahayow farxadi ha kuu ahaatee, seddeax jeer, wuxuu yiri: "majiro Qof qiraya inuusan jirin Ilaah xaqa lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna Rasuulkii Ilaahay yahay, isagoo qalbigiisa ka run sheegaya, Ilaahay wuu ka xarimaa Naarta", wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahayow: ma u sheegaa dadka ha bishaaraystaane?, wuxuu yiri: "way is dhiganayaan", Mucaad wuxuu sheegay xadiiskan geeridii Nabiga ka dib, cabsi uu ka qabey inuu ku dambaabo qarinta Cilmiga.Xadiis la isku waafaqay
Mucaad Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan la fuushanaa Dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yiri: Mucaadoow, ma og tahay xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomadiisa iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa og, wuxuu yiri: xaqa Ilaahay Adoomada ku leeyahay waa inay caabudaan oo ayna cidna ugu Shariig yeelin, xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiina waa inuuna cadaabin Qofkii aan u shariig yeelin waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow ma ugu bishaareeyaa dadka wuxuu yiri: maya ha ugu bishaareyn, yey is dhiganeXadiis la isku waafaqay
Jaabir Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, wuxuuna ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, maxay yihiin labad waajibiya wuxuu yiri: Qofka dhinta isagoon Ilaahay u shariig yeelayn Janaduu galin, Qofkase dhinta isagoo Ilaahay u shariig yeelaya Naartuu galin.Waxa wariyay Muslim