Caqiidada
Mucaad Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri:
Available in 71 languages
«Mucaad Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan la fuushanaa Dameer la dhihi jiray: Cufeyr, markaasuu yiri: Mucaadoow, ma og tahay xaqa Ilaahay ku leeyahay Adoomadiisa iyo xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiin waxaan iri: Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa og, wuxuu yiri: xaqa Ilaahay Adoomada ku leeyahay waa inay caabudaan oo ayna cidna ugu Shariig yeelin, xaqa Adoomadu Ilaahay ku leeyihiina waa inuuna cadaabin Qofkii aan u shariig yeelin waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow ma ugu bishaareeyaa dadka wuxuu yiri: maya ha ugu bishaareyn, yey is dhigane»Meaning translation ·
Saved at original quality








