Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Caqiidada

Caa'isha raali Allaha ka noqdee waxaa laga wariyey inay tiri:

Available in 71 languages
«Caa'isha raali Allaha ka noqdee waxaa laga wariyey inay tiri: Waxaan iri: Rasuulkii Ilaahayow Ibnu Judcaan waqtigii jaahiliga qaraabadiisa wuu xiriirin jiray, miskiinkana wuu quudin jiray, arinkaasi ma anfacayaa? wuxuu yiri: ma anfacayo, isagu maalina muu oran: Rabiyow iga dhaaf dambigayga maalinta qiyaame.»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Cabdillaahi Binu Judcaan, oo ahaa Islaamka ka hor madaxdii qurayshta Ficiladiisii wanaagsanaa waxaa ka mid ahaa: xiriirintii qaraabadiisa, quudinta masaakiinta iyo wax yaabo kale oo islaamku ku booriyey dadka, wanaagaa uu qaban jiray ninkaa Aakhiradiisa waxba u tarimayso, sababtuna waa inuu Ilaahay ku kufriyey, oo uusan maalina oran Rabiyow ii dhaaf gafkayga maalinta qiyaamaha.

Source
Waxa wariyay Muslim
Download image

Saved at original quality