Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Caqiidada

Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey:

Available in 63 languages
«Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu u yimid oo ku yiri: Rasuulka Ilaahayow, shaydaan ayaa Salaadii iyo akhrintii iga dhex galay oo iga qasay, Rasuulku wuxuu ku yiri: "kaasi waa Shaydaan la dhoho: Khinsab, markaad dareento ka cuwdu billayso, xaga bidixna seddex jeer candhuuf u tuf", wuxuu yiri: sidaasaan sameeyey Ilaahay ayaana iga kaxeeyey.»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Cusmaan Binu Abil Caas Allaha ka raali ahaade ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahyow, Shaydaan ayaa salaadayda iga dhex galay, wuxuuna ii diiday inaan ku khushuuco, akhriskaygana wuu iga khal-khaliyey, shakina wuu iga galiyey. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: kaasi waa Shaydaan la dhoho: khinsab, haduu kuu yimaado eed dareentid Ilaahay ka hoos gal, oo ka cuwdu bilayso, xaga bidixdaadna seddex jeer candhuuf yar u tuf, Cusmaan ayaa yiri: waxaan sameeyey sidaa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ii sheegay, Ilaahayna wuu iga kexeeyey.

Source
Waxa wariyay Muslim
Download image

Saved at original quality