Quraanka kariimka ah iyo Culuuntiisa
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:
Available in 70 languages
«Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: qiyaamuhu dhicimaayo ilaa Qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko way rumaynayaan dhamaantood: (waqtigaasina waa waqtiga qofka aan horay u rumayn Ilaahay ama aan iimaankiisii horay xasanaad ugu kasban uusan waxba u tarayn) [Alancaam:158], qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo labo nin dhexdooda ku kala bixiyeen maradooda mana kala gadan karana mana isku laabi karaan, qiyaamuhu wuu dhicin iyado ninku soo qaatay caanaha hashiisa mana cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo ninku hagaajinayo darkiisa mana laga cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyado qofkiin luqmada afkiisa u qaatay mana cunaayo.»Meaning translation ·
Saved at original quality








