Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Xadiiska iyo Culuuntiisa

Cabdullaahi Binu Camar waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu yiri:

Available in 71 languages
«Cabdullaahi Binu Camar waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Iga gudbiya aniga kulay aayad ku tahay, reer Banii Israa'iilna ka sheekaya dhib kuma jiree, qofka si kas ah iigu been abuurta ha u diyaar noqodo booskuu naarta ka fariisan lahaa".»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu amrayaa in cilmiga Kitaabka iyo Sunada laga gaar siiyo dadka, in yarba ha ahaadee sida Aayad Quraana ama hal Xadiis, waxaana shardi ah inuu yaqaan wuxuu gaarsiinaayo oo uu dadka ugu yeerayo. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inaan dhib ku jirin ka sheekaynta reer Banii Israa'iil wixii ku dhacay ee ay soo mareen waase wixii aan Diinteena ka hor imaaneyn. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee ka dib wuxuu ka digay Qofkii si kas ah ugu been abuurta inuu Naarta ka diyaarsado Guri.

Source
Waxa wariyay Albukhaari
Download image

Saved at original quality