Fadaa`isha iyo Aadaabta
Abii Hureyra-Allaha karaali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri:
Available in 61 languages
«Abii Hureyra-Allaha karaali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin reer baadiye ah ayaa u yimid Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuuna ku yiri: itus camal aan sameeyo oo janada aan ku galo, wuxuu ku yiri -Rasuulku-:
Ilaahay ayaad caabudin waxbana la wadaajin maysid cibaadadiisa, salaadaha faralka ahna waad oogin, sakada waajibka ahna waad bixin, ramadaankana waad soomin", wuxuu yiri-ninkii-:Allaha naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee intaa waxba ku darimaayo, markuu dhaqaaqay ayuu Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- yiri: "qofka ku farxaya inuu arko nin Ehlu janaha ka mid ah ninkan ha eego."»Meaning translation ·
Saved at original quality








