Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Fadaa`isha iyo Aadaabta

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqalay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee isagoo dhahaya:

Available in 71 languages
«Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqalay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Muslimku xaga uu ku leeyahay Mlimka kale waa shan: salaanta oo la radiyo, bukaanka oo la booqdo, Janaasada oo la raaco, u yeerida oo la ajiibo iyo markuu hindhiso oo loo duceeyo".»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey wax ka mida xuquuqda Muslimku ku leeyahay Walaalkiisa Muslimka ah. Xaqa ugu horeeya waa salaanta oo laga radiyo cidii ku salaanta. Xaqa labaad: waa booqashada Qofka jiran iyo siyaaradiisa. Xaqa seddexaad: waa Janaasada raacideeda laga bilaabo Gurigiisa ilaa meesha lagula tukanaayo ilaa Qabriga ilaa laga aaso. Xaqa afraad: waa in la ajiibo u yeerida haduu ugu yeero casuumad Guur iyo qayrkeedba. Xaqa shanaad: waa in loo duceeyo markuu hindhiso oo uu yiraaho Alxamdu lilaah, oo lagu dhoho: yarxamuka Allaah, ka dib kan hindhisay uu yiraahdo: yahdiikumu Allaah wa yuslix baalakum.

Source
Xadiis la isku waafaqay
Download image

Saved at original quality