Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Caqiidada

Abii Barsata Alaslami Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

Available in 61 languages
«Abii Barsata Alaslami Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Maalinta Qiyaame Qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo Cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, Maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo Jirkiisii wuxuu ku dhameeyey".»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofna uusan dhaafayn meesha la isku xisaabinaayo Maalinta Qiyaame oo uusan aadayn Jano ama Naar ilaa la weydiiyo arimo: Mida 1aad: noloshiisii wuxuu ku dhameeyey? Mida 2aad: cilmigii uu bartay dar Ilaahay ma ka ahaa? mase ku camal falay? oo ma gaarsiiyey cilmiga cidii xaqa u lahayd? Mida 3aad: maalkiisii halka ayuu ka keeney, ma xalaal mise xaaraan buu ku soo galay?, muxuuse ku bixiyey, ma wax Ilaahay raalli geliya mise wax ka caraysiiya. Mida 4aad: jirkiisii, Xooggiisii, Caafimaadkiisii, Dhallin yaranimadiisii wuxuu ku dhameeyey oo u adeegsaday?

Source
Waxaa wariyay At-tirmidi
Download image

Saved at original quality