Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Caqiidada

Abii ayuub Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:

Available in 70 languages
«Abii ayuub Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Nina uma banaana inuu gooyo Walaalkii seddex Habeen wax ka badan, iyagoo kulmaya oo midba midka kale ka jeensanayo, labadoodana waxaa khayr badan kii bilaaba salaanta."»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu reebay in Qofka Muslimka ah gooyo Walaalkiisa Muslimka ah wax ka badan seddex Habeen, iyagoo wada kulmaya oo aan isasa salaamayn oo wada hadlayn. Waxaana fadli badan labada isu caraysan kii isku daya inuu gooynta joojiyo oo salaanta bilaaba, gooynta la sheegay waxaa loo jeedaa wax Qofka dantiisa ah, laakiin gooynta ku saabsan xaq Ilaahay leeyahay, sida in la gooyo kuwa Caasiyada ah, kuwa Bidcada ah iyo Saaxiibada xun, taasi waqti kuma xirna ee waxay ku xiran tahay danta loo gooyey, oo hadii ay joogsato iyana way joogsan.

Source
Xadiis la isku waafaqay
Download image

Saved at original quality