Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Fadaa`isha iyo Aadaabta

Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri:

Available in 71 languages
«Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha rumaysan khayr ha ku hadlo ama ha iska aamuso, Qofka rumaysan Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha Jaarkiisa ha maamuuso, Qofka Ilaahay iyo Maalinta Qiyaame rumaysan ha maamuuso Martidiisa."»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Adoonka muuminka ee rumaysan Ilaahay iyo Maalinta Qiyaamaha ee loo celinaayo Qiyaamaha ee abaal marinta camalkiisu ay jirto, in imaankiisu ku dhiiri geliyo inuu Sifooyinkaa wanaagsan sameeyo: Tan koobaad: hadalka wanaagsan: ee ah tasbiixda, tahliilka, wanaag farida, xumo reebida, islaaxinta dadka dhexdooda, intaa haduuna samayn karin ha iska aamuso dadkana dhibkiisa ha ka daayo, Carabkiisana ha xafido. Tan labaad: maamuuska Dariska: oo ah in loo ixsaan falo oo aan la dhibin. Tan seddexaad: maamuuska martida ku soo siyaarata: oo ah hadal wanaagsan, sooryeyn wanaagsan, iyo wixii la mid ah.

Source
Xadiis la isku waafaqay
Download image

Saved at original quality