Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Siirada iyo Taariikhda

Caa`isha oo hooyadii Muminiinta ahayd Ilaahay raalli ha noqdee waxaa laga wariyey inay tiri:

Available in 49 languages
«Caa`isha oo hooyadii Muminiinta ahayd Ilaahay raalli ha noqdee waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee hadii la kala dooransiiyo labo arimood wuxuu qaadan jirey kan fudud, hadii uusan danbi ahayn, hadiise uu danbi yahay wuxuu ahaan jirey kan danbiga ugu fog dadka, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, naftiisa uma aarsan jirin ilaa wixii Ilaahay xarimay la jabiyo, oo markaa Ilaahay uga aaro.»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Hoyadii Muminiinta ee Caa`isha Ilaahay ha ka raali ahaadee waxay sheegtay qaar ka mida akhlaaqdii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waxay sheegtay waxaa ka mida in hadii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la kala dooransiiyo labo arimood wuxuu qaadan jirey kan labadooda sahlan hadii labadooda kan sahlan uu u keenayno danbina wuxuu ahaan jirey kan dadka ugu fog, wuxuna dooran jirey kan adag. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee si gaara nafiisa uguma aari jirin base wuu saamixi jirey waana cafin jirey xaqiisa, ilaa la jabiyo wixii Ilaahay xarimay oo markaas uu Ilaahay uga aaro, wuxuuna ahaan jirey kan dadaka Ilaahay darti ugu caro badan.

Source
Xadiis la isku waafaqay
Download image

Saved at original quality