Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Fiqiga iyo usuushiisa

Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri:

Available in 60 languages
«Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto in yar ayuu aamusi jiray, intaanu akhrinta bilaabin, waxaan ku iri Rasuulkii Ilaahayow, aabahay iyo hooyadayba lagugu furaye iiga waran aamuskaaga u dhexeeya xirashada salaada iyo akhrinta, maxaad tiraahdaa? wuxuu yiri: "waxaan dhahaa: Allahayow kala fogee aniga iyo dambiyadayda sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow dambiyadayda iga daahiri sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda baraf, biyo iyo biyo qabow".»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto wuu yara aamusi jiray intaanu faatixada akhrin, wuxuuna salaadiisa ku bilaabi jiray qaar ka mida ducooyinka, waxaa ka mida ducooyinka ku soo arooray oraahdiisii: "Allahayow, nakala fogee aniga iyo dambiyadayda, sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow iiga nadiifi dambiyadayda sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda biyo, baraf iyo biyo qabow", Wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu kala dheereeyo isaga iyo dambiyadiisa, si aanu ugu dhicin, oo uu ka fogeeyo fogaan aanay wada kulmin, sida bari iyo galbeed aanay waligood u kumayn, haduu dambi ku dhocona Ilaahay uga nadiifiyo sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, oo uu dambiga ka dhaqo oo ka qaboojiyo ololkiisa iyo kulaylkiisa, oo uu uga dahiro kuwaan wax lagu dahiro ee qabow, oo ah biyo, baraf iyo biyo qabow.

Source
Xadiis la isku waafaqay
Download image

Saved at original quality