Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Fadaa`isha iyo Aadaabta

Abii Mascuud Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri:

Available in 70 languages
«Abii Mascuud Alansaarii Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin ayaa u yimid wuxuuna yiri: waan gaadiid beelaye gaadiid i saar, wuxuu ku yiri Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "kuuma heli karo", nin kalaa yiri: Rasuulkii Ilaahayow, anaa tusaaya Qof saara, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri-: "Qofka khayrka dadka tusa wuxuu leeyahay ajar la mida kan khayrkaa sameeyey ajarkiisa".»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Nin ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuuna ku yiri: gaadiidkaygii ayaa iga dhintaye, i fuuli gaadiid, oo i sii waxaan fuulo oo i gaarsiiya, wuuna ka cudur daartay Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inaanu hayn shay uu fuuliyo, nin kale oo joogay ayaa yiri: Rasuulka Ilaahayow, anaa tusaya Qof fuuliya, markaasaa Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u sheegay inuu ajarka la wadaagayo kan wax sadaqaystay waayo wuxuu tusay Qof u baahan.

Source
Waxa wariyay Muslim
Download image

Saved at original quality