Hadith for the World
Xajka iyo Cumrada

Fadliga Xajka iyo Cumrada

5 hadiths

5 hadiths

Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa la wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku yiri: haweenay reer ansaar ah oo Ibnu Cabaas magaceeda sheegay ee aan ilaaway magaceeda: (maxaa kuu diiday inaad nala xajido?) waxay tiri: waxaan lahayn labo awr oo keliya, mid waxaa ku xajiyey odaygeyga iyo wiilkeyga, wuxuuna nooga tagay mid aan ku dhaan sano, wuxuu yiri: (markuu ramadaanku soo galo cumrayso, cumrada ramadaanku xaj ayey u dhigantaaye).Xadiis la isku waafaqay
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay isagoo dhahaya: "qofka Ilaahay darti u xajiya ee aan dumarka la haasaawin ee aan fusuq la imaan wuxuu soo noqdaa isagoo danbi ka ah sida Maalintii Hooyadi dhashay.Xadiis la isku waafaqay
Caa'isha, hooyadii mu'uminiinta -Allaha ka raali ahaadee- waxay tiri: Rasuulka Ilaahayow, waxaan u aragnaa in jihaadku u fadli badan yahay camalka ee ma jihaadnaa? wuxuu ku yiri: "maya, laakiin jihaadka u fadli badani waa: xajka lagu baarinimo falay."Waxa wariyay Albukhaari
عن عائشة رضي الله عنها مرفوعاً: «ما مِن يومٍ أكثر مِن أنْ يُعْتِقَ اللهُ فيه عبدًا مِن النارِ، مِن يومِ عرفة، وإنَّه ليدنو، ثم يُباهي بهم الملائكةَ، فيقول: ما أراد هؤلاء؟».رواه مسلم
عن أبي هريرة رضي الله عنه: أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «العمرة إلى العمرة كفارةٌ لما بينهما، والحج المبرور ليس له جزاءٌ إلا الجنة».متفق عليه