Hadith for the World
Tap the image to view it full size
Caqiidada

Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri:

Available in 71 languages
«Ibnu Cabaas Allaha ka raali noqdo isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: "Maalin ayaan Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee gadaashiisa fuushanaa, wuxuu igu yiri: " " yar لاow, waxaan ku barayaa erayo, llaahay xifdi wuu ku xifdine, llaahey xifdi hortaadaad ka heliye, markaad wax waydiisanayso Ilaahay waydiiso, hadii aad cid kaalmaysan Ilaahay kaalmayso, ogowna haday ummadda oo dhan isu tagaan si ay wax kuugu taran, kuma tari karaan wax Ilaahay kuu qoray mooyee, hadii dadka oo dhan isu tagaan si ay kuu dhibaan kuguma dhibi karaan, wax uu Ilaahay kuu qoray mooyee, kor ayaa loo qaaday qalimadii warqadihiina way qalaleen ".»

Meaning translation ·

Explanation

The meaning in a few plain lines

Ibnu Cabbaas Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu sheegay in isagoo yar uu Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la fuushanaa, markaasa Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ku yiri: waxaan ku barayaa arimo iyo waxyaabo Ilaahay kugu anficidoono: Ilaahay xifdi, oo ku xifdi inaad ilaaliso wuxuu ku faray iyo inaad ka dheeraato wuxuu kaa reebay, waa inuusan kaa helin meelaha macsida iyo danbiga, hadaad sidaa samayso abaal marintaadu waxay noqonaysaa in Ilaahay kaa xifdiyo dhibka aduunka iyo kan aakhiroba, kuguna guuleeyo dhamaan waxaad rabto oo dhan halkaad u dhaqaaqdaba. Hadii aad rabto inaad shay waydiisato, ha waydiisan cid aan Ilaahay ahayn, waayo isaga kaligi ayaa ajiiba kuwa wax waydiista. Hadii aad damacdo in lagu kaalmeeyo cidaan Ilaahay ahayn ha kaashan. Waa inaad yaqiinsataa inaadan helayn nafac hadii ay dadka dhulka jooga isu tagaan si ay wax kuu taraan kuguma tari karan wax Ilaahay kuu qoray mooyee. wax dhiba kuguma dhacayo hadii ay isu tagaan dadka dhulka jooga oo dhan si kuu dhibaan kuguma dhibi karaan wax Ilaahay kuu qaray mooyee. Arinkaan Ilaahay casa wajala ayaa qoray, wuxuuna ku qadaray sida xikmadiisa iyo cilmigiisu keenayaan, wax badalid ahna laguma samaynayo wax Ilaahay qoray.

Source
Waxaa wariyay At-tirmidi
Download image

Saved at original quality