Hadith for the World
Salaada

Waajibnimada Salaada iyo xugunka qofka ka taga

5 hadiths

5 hadiths

Camar Binu Shuceyb wuxuu Aabihii ka wariyey Aabihiina awowgi ka wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Fara caruurtiina salaadda markay gaaraan toddoba sano, kuna garaaca haday ka tagaan salaadda iyagoo toban jir ah, una kala duwa meesha ay seexanayaan."Waxa wariyay Abuu Daa'uud
Buraydata Binu xuseyn Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: U degdega Salaada Casar, waayo Nabig nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: " Qofka ka taga Salaada Casar camalkiisu wuu buray".Waxa wariyay Albukhaari
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: -Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna yahay adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii, Salaada oo la oogo, Sakada oo la bixiyo, Xajka oo la guto iyo Bisha Ramadaan oo la soomo."Xadiis la isku waafaqay
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka salaad ilaawa ha tukado markuu xasuusto, kafaaro gud kale malaha oo intaa ahayn: {salaada u oog xuskayga} [suuratu Daaha:14]".Xadiis la isku waafaqay
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Ninka iyo Shirkiga iyo Gaalnimada waxaa u dhexeeya Salaada oo uu ka tago".Waxa wariyay Muslim