126 hadiths
Cabdullaahi Binu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyadoo calacashaydu ay saaran tahay labdiisa calaacalood ayuu i baray Ataxiyaadka, sida uu ii barayey Suurada Qur'aanka ah, "Ataxiyaatu "salaamo", lilaahi "Ilaahay ayey u sugnaadeen", wa salawaatu "Salaado", Adayibaatu "wanaagyo", Asalaamu calayka "nabadi korkaaga ha ahaato", Ayuha Nabiyu, "Nabiyahaw", wa Raxmatu Allaahi wa Barakaatuh, "iyo naxariista Ilaahay iyo Barakooyinkiisu", Asalaamu calaynaa, wa calaa Cibaadi Allaahi Saalixiina "nabadi korkayaga ha ahaato anaga iyo Adoomada Ilaahay ee Saalixiinta ah", Ashhadu Alaa Ilaaha Ilaa Allaah, "waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah aan Allaah wayne ahayn, wa Ashhadu ana Maxamed Rasuulu Allaah, "waxaan qirayaa inuu Maxamedna yahay Adoonkiisa iyo Rasuulkii Ilaahay soo diray". Ruwaayad kale oo labadoodu wariyeen waxay ahayd: "Ilaahay isagaa Salaam ah, hadii midkiin u fariisto Salaada ha dhoho: "Ataxiyaatu lilaah, wa salawaatu wa dayibaatu Asalaamu calayka ayuha Nabiyo wa Eaxmatu Allaah wa barakaatuh, Asalaamu calaynaa wa calaa Cibaadi Allaahi Saalixiina, marka uu dhoho intaa way gaaraysaa ducadaasi Adoon kasta oo Saalix ah oo ku sugan samada iyo dhulkaba, waxaan qirayaa inaanu jirin Ilaah xaq lagu cibaado oo aan Ilaahay ahayn, waxa kale oo aan qirayaa inuu Maxamedna yahay Adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa, intaa ka dib ducada waxa uu doonuu ku ducaysanayaa."Xadiis la isku waafaqay
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu yiri: "Salaadda qofku uu jamac ku tukado waxay dheer tahay Salaadda Qofku ku tukado gurigiisa , ama Suuqiisa dhowr iyo labaatan derejo, taaso ah markii midkood uu weyso qaato weysadana wanaajiyo, ee uu Masaajidka yimaaddo, ee Salaadda maahee wax kale aanu u soo kicin, ee Salaadda keliya uu u soo baxay, talaabadii uu qaado darajo ayaa loo kor yeelaa, danbina waa laga tiraa, ilaa uu ka galo Masjidka, hadduu Masjidka soo galona wuxuu la mid yahay isagoo Salaadd ku jira maadaama ay Salaaddu celinayso, Malaa`igtuna way u ducayn Qofkiina ku sugan Meeshii uu ku tukadey, waxay oran: Ilaahow u naxariiso, Ilaahow u danbi dhaaf, Ilaahow ka tawbo aqbal, hadduusan Malaa`igta dhibin, oo aysan weysadu ka jabin.Xadiis la isku waafaqay